Wasiir Maareeye “Qof Kasta Oo Dhinta Dowladda Somalia Waxa Ay U Aqoonsantahay In Uu U Dilay Coronavirus”

0
482

Wasiir Maareeye “Qof Kasta Oo Dhinta Dowladda Somalia Waxa Ay U Aqoonsantahay In Uu U Dilay Coronavirus”

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Mareeye ayaa si faahfaahsan uga haflay kiisaska xanuunka saf Marka ah ee Covid 19 kaas oo kusii faafaya gudaha dalka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda xanuunkaan ay tahay mid aan la dhayeelsan karin loona baahanyahay in si dhab ah loo qaato digniinaha cudurkaan.

Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay haddi aan Isbuucyo gudahood lagusoo afjarin in uu gaari doono gobolada dalka sidaas daraadeedna meel looga soo wada jeesto taas oo hadii ay dhacdo fududeyn karta in uu ka dhamaado Somalia.

Isaga oo sii haflayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya oo qof kasta oo dhimata ay u aqoonsantahay in uu dilay xanuunka saf Marka ah ee Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here