Wasarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo Amaro Dul dhigay Masajida
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa ay Khadiibyada Masaajidada Dalka ku war-gelinaysaa in khudbadaha Jimcaha ee berri Dhalinyarada laga wacyigeliyo .
1.khatarta Tahriibtu u leedahay bulshada gaar ahaan dhallinyarada.
2.iimaanka oo la ilaashada in uu ka mudan yahay aduunyada raadinteeda.
Sidaa daraadeed waxa Laga maarmaan ah in aynu ka hortagno dhibaatooyinka bulshada kusoo kordhaya maadaama tahriibku beryahan danbe inagu soo badanayo .
Wasaaraddu waxa ay rajaynaysaa in dhammaan imaamyadu ay ka soo baxaan waajibaadkan muhiimka ah ee wacyigelinta bulshada, si loo badbaadiyo mustaqbalka Dhalinyarada dalka .