Warbaahinta Israa’iil oo is-waydiinaysa halka uu ku dhuumanayo Khamenei
Warbaahinta Israel ayaa Khamiistii shalay ahayd, July 25, si weyn uga hadashay arrinta ku saabsan “muuqaalka” Cali Khamenei, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ka hor inta uusan baahin fariintiisii saddexaad ee muuqaal ah tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Shabakadda wararka ee Vala ayaa qortay in saraakiisha Iran ay sheegeen in Khamenei uu ku dhuumanayo meel god ah isla markaana uu ka fogaanayo inuu la xiriiro dadka kale si uu “ka hortago isku day dil.”