Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Boosaaso+Dadkii Ugu Badnaa Oo Ka Barakacay

0
408

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Boosaaso+Dadkii Ugu Badnaa Oo Ka Barakacay

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa deggan kaddib dagaal xalay saqdii dhexe iyo Aroroortii hore ee saaka ka dhacay magaalada, waxaana lasoo sheegayaa in hadda xaaladdu tahay mid deggan, inkastoo cabsi weyn ay taagan tahay, maaddaama mar waliba la filan karo in xabbaddu bilaabato.

Ma cadda ilaa iyo imika khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, iyadoo ay soo baxeen war-saxaafadeedyo kala duwan oo  labada dhinac ay soo kala saareen,xili mid ba mid ka kale uu ku eedeeyay jabintii Xabbad joojintii shalay lagu dhawaaqay.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntlan ayaa sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen hogaanka PSF ee dowladda ka soo horjeeda in uu “hurinayo” dagaal.

“Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay xukuumadda Puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda ay waqti siinayso dadaalada socda si arrintan xal looga gaaro.

“Si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso,” ayaa lagu xusay qoraalka.

Waxaana socda waanwaan ay wadaan isimada iyo waxgaradka Puntland si xiisadda iyo colaadda ka taagan Boosaaso loo dajiyo.

Markale Ciidamada PSF ta ee dagaalka kula jira Ciidanka ka amar qaata Madaxtooyada Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan dagaalka Boosaaso iyo sababta  ka dambeysay in mar kale uu dagaal ka qarxo Magaalada.

War-saxaafadedka ayaa lagu sheegay in mas’uuliyadda dagaalkii dhacay ay sabab u tahay madaxtooyada Puntland, iyagoo intaa ku daray in wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ay hurinayaan dagaalka ka socda Boosaaso.

HOOS KA DAAWO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here