Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Dad Shacab Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

0
458

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Dad Shacab Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya maleeshiyaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa duleedka degmada Boocame ee Gobolka Sool, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo si gaar ah uga dhacay baadiyaha degmada Boocame ayaa waxaa lagu dilay laba ruux oo la sheegay inay walaalo ahaayeen, isla markaana waxaa uu dhaawac kasoo gaaray weerarka Nin kale oo meel ku dhow goobta uu falku ka dhacay ku sugnaa.

Maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ayaa la soo weriyey inay rasaas ku fureen labada ruux oo xilligaas isla joogay, iyagoona dubadii goobta ku geeriyooday, halka Ninka dhaawacmay isna la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarkii ka dhacay baadiyaha degmada Boocame ee Gobolka Sool uu la xiriiro aano qabiil, waxaana dadka la dilay ay ahaayeen kuwo kasoo barakacay deegaanka Yax ee bariga Gobolka Nugaal.

Si kastaba deegaanno ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo dad badani ku dhinteen oo salka ku hayay muran dhuleed, iyadoona deegaano ka tirsan Gobolkaas ay horey uga dhaceen dagaalo xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here