Wararkii ugu dambeeyay Muslimiintii lagu xasuuqay dalka New Zealand

0
643

Wararkii ugu dambeeyay Muslimiintii lagu xasuuqay dalka New Zealand

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay weerarkii lagu laayay Muslimiin ku tukanaysay labo masjid oo ku yaal dalka New Zealand ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaartay 49 ruux halka dhaawacana uu gaarayo 48 kale.

Ra’iisul Wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa ku tilmaantay weerarkan mid argagaxiso ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka weerarkan wax ku noqday ay ka mid yihiin dad Soomaali kuna nool dalkaas New Zealand,hase yeeshee tirada Soomaalida ah ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan afar ruux oo wiil lix sano jir ah uu kamid yahay.

Weerarkan ayaa la sheegay inay ka badbaadeen kooxda xulka qaranka dalka Bangaladesh ee ciyaarta cricketka, inta badan ciyaartoydaas oo ku sii jeeday Masjidka Alnoor ayaa markii ay ku dhowaayeen masjidka waxaa ka bilowday rasaasta.

Ninkii ka dambeeyay weerarkan ayaa si toos ah ugu jirey facebook isagoo laga arki karay sida uu dilayay dadka cibaadeysanayay,waxana uu qoraal uu soo saaray kahor weerarkan ku eedeeyay dadka soo galootiga ah isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo ku soo duulay dalalkooda.

Booliska dalka New Zealand ayaa sheegay in saddex ruux loo xirey weerarkan waxaana lagu wadaa in mid kamid ah la soo taago maxkamad.

Taliyaha Booliska New Zealnad Mike Bush ayaa sheegay in 49 ruux ay dhinteen 48 kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarkan.

Ninka ka dambeeyay weerarkan oo u dhashay dalka Australia ayaa la sheegay inuu qorigii uu watay uu ku soo qoray magacyada dad hore weeraro sidan ookale ah geystey isagoo ku ammaanay Madaxweynaha Maraykanka sida uu sare u qaadayo dadka caddaanka ah.

Hase yeeshee Madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay weerarkan lagu xasuuqay dadka Muslimiinta ah, sidoo kale madax badan oo caalamka ayaa cambaareysay weerarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here