Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Golaha Wadatashiga Doorashada Somaliya Iyo Caqabadaha Hortaagan Furitaanka Shirka

0
443

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Golaha Wadatashiga Doorashada Somaliya Iyo Caqabadaha Hortaagan Furitaanka Shirka

Waxaa weli hakad kujira oo aan qabsoomin shirkii ay ku balan sanaayeen in uu u furmo Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Raโ€™iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo Sabtidii uu dib u dhacay, balse shalay uu markale dib u dhacay kadib markii uu shirka diiday ka qeb galkiisa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in xalay ay yeesheen kulan khadkantaleefonka ahaa, Raโ€™iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Galmudug oo wada jooga iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku maqan dalka Turkiga, waxaana kulanka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qanciyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roible ayaa dadaal ugu jira qabsoomida shirka si oo bilaabo dardar gelinta howlaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here