Wararkii ugu dambeeyay diyaarado dagaal oo duqeeyay kolonyo ay la socdeen Al-Shabaab

0
534

Wararkii ugu dambeeyay diyaarado dagaal oo duqeeyay kolonyo ay la socdeen Al-Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in weerar dhinaca cirka ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji.

Sida ay sheegayaan in wararka duqeyntan ayaa waxaa geystay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen dagaalamayaal badan oo Shabaab ah, kuwaasoo qorsheynayay inay duulaan geystaan.

Gawaarida la beegsaday waxaa la sheegay inay u socdeen duulaan ka dhan ah Saldhig ay leeyihiin Ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana ka hor duqeynta goobta ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabka ay weerar ku ekeeyeen Saldhiga Ciidamada ee deegaanka Muuse Xaaji, balse ay iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamadii Jubbaland oo ka feejignaa weerar uga yimaada dhanka Al-Shabaab, waxaana lala eegtay Gantaalo markii ay dib u laabteen.

Mid ka mid ah Saraakiisha Daraawiishta Jubbaland oo lagu magacaabo Kabtan Maxamed Daahir Nuur ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in duqeynta lala eegtay xubnaha Shabaab looga dilay 30 kamid ah dagaalyahanadooda, isagoo intaas hadalkiisa ku sii daray in dhimashada ay kordhi karto.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa dul heehaaba Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ee duleedka magaalada kismaayo, iyagoo ilaalo ka haya weerar uga yimaada Shabaab, wixii ka dambeeyay bartamaha sanadkii hore ee 2018, xilligaas oo looga dilay weerar lagu soo qaaday Askari Mareykan ah.

Dagaalyahanada Shabaab oo weerar ku qaaday 19-kii bishii hore Saldhiga Baarsanguuni, ayaa waxaa looga dilay 52 xubnood kadib markii diyaarado dagaal ay gantaalo la dhaceen gawaarida Ciidamada qaada ee Shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada dhinaca Cirka ah, 40-kii maalmood ee sanadkan cusub Mareykanka waxaa la fuliyay illaa 14 weerar.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Gen. Thomas Waldhauser, oo ka hor hadlayay Kongareeska Mareykanka ayaa sheegay in sanadkii hore ee 2018 ay duqeyn ku dileen 323, halka sanadan cusubna ay ku dileen 118 dagaalame, isagoo qiray inaan duqeyn kaliya Kooxaha argagixisada ah looga adkaan karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here