Turkiga, Suxufiyiin Maxkamad loosoo taagay in ay xiriir la leeyihiin Xisbiga laga mamnuucay Dalkaas ee PKK.

0
215

Turkiga, Suxufiyiin Maxkamad loosoo taagay in ay xiriir la leeyihiin Xisbiga laga mamnuucay Dalkaas ee PKK.

Maxkamad ku taalla Dalka Turkiga ayaa lasoo taagay 4 Suxufi oo Kurdish ah oo lala xiriiray in ay katirsan yihiin ama cilaaqaad la leeyihiin Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee loosoo gaabiyo PKK lagana mamnuucay Dalkaas.

Suxufiyiintaas ayaa kala ah: Beritan Canozer oo u shaqeeya JinNews, Remzi Akkaya, Abdurrahman Gok oo ah tifatiraha Mesopotamia News Agency iyo saxafi kale oo lagu magacaabo Mehmet Sah Oruc.

Waxaa la xiray Talaadadii todobaadkii tegay 25kii April 2023 kaddib markii howlgal qorsheysan ay sameeyeen Ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay Suxufiyiintaan.

Howlgalka ayaa sidoo kale saameeyay 21 Magaalo oo ugu yaraan wadarta laga soo wada qabtay ay gaarayaan 128 ruux oo lagu xiray goobo kala duwan si baaris dheeraad ah loogu sameeyo loona soo taago Maxkamad waa sida hadalka loo dhigay.

Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda Turkiga ayaa aad u hadal heysa tallaabadaan, waxaase jira baaqyo kala duwan oo loo diray Dowladda oo ah in lasii daayo shuruud la’aan dadka lasoo xiray & in aanay loo geysan waxyeello.

Hay’adaha Difaaca Suxufiyiinta & Xarumaha ay ka howlgalaan ayaa cod dheer ugu sheegay Dowladda Turkiga in ay ilaaliyaan qaanuunka Dalkaas iyo xeerarka kale ee Saxaafadda si aanay loo xayirin, loo xabisin ama loo dhibaateyn iyada oo kiiskooda uu joogo tuhun keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here