Turkiga oo ku eedeyay Imaaraadka Carabta inuu taageero Ururka Al-Shabaab

0
470

Turkiga oo ku eedeyay Imaaraadka Carabta inuu taageero Ururka Al-Shabaab

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya iyo ururo kale.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga Hami Aksor ayaa sheegay in Imaaraadka uu taageero kooxda Argagixisada Al-Shabaab, isagoo caddeeyay in aanay aheyn arrintaas mid qarsoon.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga oo lagu shaaciyay Twitter-ka qeybta carabiga ee Telefishinka TRT ayaa lagu sheegay in Imaaraadka taageero kooxda gooni u goosadka Yemen, isla markaana qalalaase ka wado Suuriya.

Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa xilligan isku haya dagaalka ka socda dalka Libiya, waxaana Turkiga taageerayaa dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobey, halka Imaaraadka Carabta uu taageerayo Jeneraalka lagu magacaabo Khalifa Haftar.

Xiisada u dhaxeysa labada dal ayaa dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay sheegayaan inay suura gal tahay inay u soo wareegto Soomaaliya, marka loo eego galaan-galka Turkiga ku leeyahay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan taageerada uu siiyo dowladda Federaalka iyo Imaaraadka oo qudhiisa aanu wali ka marneyn siyaasadda Soomaaliya, si muuqatana u taageero maamulka Puntland iyo Maamulka Somaliland oo shirkad laga leeyahay Imaaraadka uu gacanta ku haayo maamulka Dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here