Tunisia oo maanta lagu soo gabagabeynayo “Shirka Tokyo ee Horumarinta Afrika”.

0
254

Tunisia oo maanta lagu soo gabagabeynayo “Shirka Tokyo ee Horumarinta Afrika”.

Magaalada Tunis ee Caasimadda Tunisia waxaa maanta lagu soo gabagabeynayaa shirka Tokyo ee Horumarinta Afrika (TICAD) oo ah kulankii 8aad ee Xukuumadda Japan la qaadatay madaxda Qaaraddaan.

Xukuumadda Tokyo ayaa sheegtay in ay maalgashi ku sameysaneyso Qaaradda Afrika si ay u xoojiyo xiriirka guud iyo kan gaarka ah ee kala dhaxeeya waddamada ka qaybgalaya Shirkaan sida lagu muujiyay qoraal kasoo baxay Dowladdaas.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida oo shirka uga qaybgalaya Muuqaalka Fogaan-aragga ayaa gunaanadka jeedin doonna khudbad uu uga hadlayo muhiimadda waddankiisa ay u leedahay Qaaradda Afrika.

Waxaa la filayaa in uu sameyn doonno ballanqaadyo horleh oo uu ku shaacinayo dhaqaalaha Xukuumadda Tokyo ay ugu talagashay in ay ku bixiso maalgashiga Afrika, waqtiga ay fulineyso qorshahaan & ku dhawaaqista kulanka kan xiga.

Soomaaliya waxaa ku metalaya Shirkaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiin kala duwan sida dhiggiisa Jabuuti, Madaxweynaha Tunisia ee kulanka martigeliyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan & madax kale.

Japan ayaa xoogga saareysa sidii ay gacanteeda ugu heyn lahayd xiriirka ay la wadaagto Qaaradda Afrika iyada oo fursaddaas ka dhex aragtay in ay ku wiiqi karto loolanka ay wadaan Mareykanka, Shiinaha & Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here