Trump;”Masar waa ay burburin karaan biyo-xireenka Nile.”

0
304

Trump;”Masar waa ay burburin karaan biyo-xireenka Nile.”

Madaxweynaha wadanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay hadal guux badan ka kicyay gudaha waddanka Itoobiya. Trump ayaa tilmaamay in Masar ay burburin karto biyo-xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhinac dhisayso Webiga Nile.

Trump ayaa hadalkaasi ka sheegay shir dhinaca taleefanka ah oo ay heshiiska diblumaasiyadeed ku gaarayeen dalalka Suudaan iyo Israa’iil, markaas oo ay khadka ku jireen madaxda labadaasi dal.

Madaxweyne Trump ayaa weriyayaasha Aqalka Cad waxa uu ugu sheegay “Waa xaalad aad u halis badan sababtoo ah Masar sidaas ugama samri karto arrinta.”

“Ugu dambayntii biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waan iri kor ayaanan u leeyahay – biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waana inay wax sameeyaan,” ayuu sii raaciyay Trump.

Madaxweyne Trump intaas kuma uusan ekaan ee waxa kale oo uu tilmaamay in Masar ay arrintaasi ka seexatay: “Waa hore in uusan bilaaban ayey aheyd inay joojiyaan,” ayuu yiri.

Illaa hadda wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya ma uu jiro, hasayeeshee ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Hailemariam Dessalegn, ayaa si caro leh arrintaas uga falceliyay.

Dessalegn ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in hadalka Trump uu u sheegay ra’iisul wasaaraha Suudaan uu yahay mid aan loo meel dayin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here