Trump oo ku qeexay Elon Musk ‘Nin waalan’ warraysi cusub oo uu bixiyay

0
24

Trump oo ku qeexay Elon Musk ‘Nin waalan’ warraysi cusub oo uu bixiyay

Donald Trump ayaa warbaahinta Maraykanka ee ABC News u sheegay in uusan “si gaar ah” dan uga lahayn inuu hadda la hadlo Elon Musk, kadib warar sheegaya in ay telefoon ku wada hadli doonaan.

 

Wareysi uu Trump saacad kahor siiyay warbaahintaas isagoo taleefan kaga hadlayay, ayuu Musk ku tilmaamay “nin maankiisa lumiyay” kadib muran kulul oo labadooda dhexmaray Khamiistii – madaxweynihii hore iyo maalqabeenka tignoolajiyadda.

 

BBC-du waxay la xidhiidhay Aqalka Cad si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno, wararkana waxaan idinla wadaagi doonaa markaan helno.

 

Khilaafka weyn ee sida lama filaanka ah uga dhex qarxay Elon Musk iyo Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu yahay muranka ugu hadal haynta badan adduunka.

 

Laakiin tani ma aha markii ugu horreysay ee ninka ugu taajirsan adduunka uu si toos ah uga qeyb qaato muran.

 

Waxaa jiray warar sheegaya in maanta ay jiri doonaan dadaallo ay wadaan qaar ka mid ah kaaliyeyaasha Aqalka Cad si ay heshiis u dhex dhigaan Musk iyo Trump.

 

Balse Aqalka Cad ayaa u sheegay BBC-da in madaxweynuhu uusan maanta damacsanayn inuu la hadlo Musk.