Trump Oo Doonaya In Xukunno Dil Ah Uu Fuliyo Maalmihiisa Ugu Dambeeya Xafiiska

0
398

Trump Oo Doonaya In Xukunno Dil Ah Uu Fuliyo Maalmihiisa Ugu Dambeeya Xafiiska

Iyadoo ay xisaabsan yihiin maalmaha Madaxweyne Donald Trump ee Aqalka Cad, ayaa maamulkiisa wuxuu qorsheynayaa inuu amro fulinta dhowr xukun oo dil ah.

Shan xukun oo dil ah ayaa lagu wadaa in la fuliyo kahor caleema saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden oo dhici doonta 20-ka January – tan oo jebineysa xeerkii jiray 130-kii sano ee la soo dhaafay ee hakinta xukunnada dilalka ah inta lagu guda jiro muddada xil wareejinta madaxtinnimo.

Haddii dhammaan shanta xukun la fuliyo, Mr Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii amray fulinta xukunnada dilka ee ugu badan wax ka badan muddo qarni laga joodo, waxayna tirada ka dhigeysaa 13 dil oo la fuliyay tan iyo bishii July sanadkan.

Fulinta dilalkan ayaa lagu wadaa inay bilowdaan toddobaadkan dhexdiisa, waxaana lagu bilaabi doonaa Brandon Bernard oo 40 jir ah iyo Alfred Bourgeois oo 56 sano jir ah. Waxaa labadooduba la qorsheynayaa in dilkooda lagu fuliyo xabsi ku yaalla Terre Haute, Indiana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here