Trump oo codka diidmada adeegsaday si uu Hub uga Iibiyo Sacuudiga

0
480

Trump oo codka diidmada adeegsaday si uu Hub uga Iibiyo Sacuudiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa codka diidmada ka qaatay qaraar sadex mar oo golaha Congress-ka ay ku mamnuuceen heshiiska hubka ee wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka uu la gaaray Mareykanka oo ay ku kaceyso Balaayiin Dollar-ka Mareykanka.

Golaha aqalka hoose ayaa sheegay in baaritaan dheer kadib ay ogaadeen in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hubkaan u adeegsanayaan dagaalada ay ka wadaan dalka Yemen afartii sano ee la soo Dhaafay.

Fariinta diidmada ah oo aqalka cad Arbacadii shalay u diray Congress-ka ayaa Trump ku sheegay in go,aankooda uu wiiqayo xiriirka wadamada caalamka kala dhaxeeya iyo xulufada bahwadaaga ay Yihiin.

Bishii May ayey aheyd markii Trump uu amray in si deg deg hub loogu daabulo wadamada Sacuudiga Imaaraadka iyo Jordan, kaasi oo ku kacaya lacag dhan of 8.1 billion oo Dolarka Mareykanka.

Warbixinta aqalka cad ayaa dhanka kale lagu sheegay in Mareykanka uu difaaci doono amniga saaxiibada uu ku leeyahay wadamada Khaliij ka.

Talaabada diidmada ah ee Trump ayaa waxaa canbaareeyay Eliot Engel, laga soo doortay gobolka New York ahna gudoomiyaha gudiga xiriirka caalamiga ah ee arimaha dibada u qaabilsan aqalka Congress-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here