Trump oo amray in mudo afar bilood ah laga soo saaro waqooyiga suuriya

0
734

Trump oo amray in mudo afar bilood ah laga soo saaro waqooyiga suuriya

Madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay in ciidanka mareykanka laga soo saaro wadanka suuriya sida ay saraakiil ka tirsan maamulka Trump ay u sheegeen majalada New York Times.

Warkaan ayaa imaanaya kadib markii Trump uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay in milatariga Mareykanka ay si aayar ah uga soo bixi doonaan suuriya.

Trump oo si lama filaan ah ugu dhawaaqy 19-kii bishii December iyadoo saraakiil ka tirsan milatariga ay sheegeen in ay qaadan doonto mudo 30 maalmood.

Taliyaha milatariga mareykanka ee wadamada suuriya iyo ciraaq Paul J LaCamera ayaa si hoose u sheegay todobaadkii la soo dhaafay in mudo bilo ah ay qaadan doonto in la soo saaro 2,000 oo askari oo ku sugan waqooyiga suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here