Trump iyo Putin oo la filayo in ay ku kulmaan dalka Sacuudiga

0
48

Trump iyo Putin oo la filayo in ay ku kulmaan dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka wada hadlay xal u helida dagaalka Ukraine.

Labada hoggaamiye ayaa ku wada hadlay khadka Taleefanka, iyaga oo muujiyay rajo wanaagsan iyo la soo afjari karo colaadda Ukraien.

Trump ayaa sheegay in ka badan hal saac uu taleefoon kula qaatay Putin, ayna ka wada hadleen habka loo qaban karo wada hadallo iyo arrimaha la isku hayo.

Sidoo kale, Trump ayaa xusay inuu la hadlay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, isla markaasna ay ka wadleen wada xaajoodyada.