Trump: Haddii aan Doorashada ku guuleysto ma aqbali doonni in la isir-tiro Yuhuudda

0
38

Trump: Haddii aan Doorashada ku guuleysto ma aqbali doonni in la isir-tiro Yuhuudda

Musharrax Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in 5ta Nofeember oo ah marka ay dhaceyso Doorashada Dalkaas ay tahay ‘Maalin muhiimad gaar ah u leh Israa’iil’ maadaama uu u ballanqaaday in haddii uu ku guuleysto Doorashadaas uu siin doonno taageerro ka badan tan Joe Biden uu siiyay.

Donald Trump ayaa tilmaamay in fulinta ballanta uu u sameeyay Yuhuudda ay ka xigto oo keliya inta ay dhaceyso Doorashada Bisha soo socota lagana shaacinayo haddii uu ku guuleystay iyo in ay ka adkaatay Haweeneyda la tartameysa ee uu dhowaan dareenka cabsida badan ka muujiyay marka la eego sida ay codbixintu u dhici doonto.

Haddiise laga adkaado Trump si cod aad u hooseeya uu ku muujiyay ‘In uu ka welweli doonno xaaladda mustaqbalka dambe ee Israa’iil’ mar haddii Kamala Harris ay u janjeerto dhinaca raadinta xabbad-joojinta iyo wadahadalka Maxaabiis is dhaafsiga ah sida Marar badan ay bannaanka la timid.


“5Ta Nofeembar ee soo socota waa maalin guul u ah Israa’iil, haddii aan ku guuleysto Doorashada Maraykanka waxa aan garab istaagi doonnaa Israa’iil ilaa ay guul ka gaarto, Weerarkii dhacay 7dii Oktoobar waa dhacdo aan hilmaami karin si lamid ah 11kii Sebteember, ma ogolaan doonni haddii aan xilka ku guuleysto in la isir-tiro Yuhuudda” Ayuu yiri Musharrax Donald Trump.

Waa musharrixii ugu horreeyay ee Dalka Maraykanka isaga oo fadeexo badan dhexda ka galay ku adkeystay in uu tartamo, waxa uu dhowaan muujiyay fariin qalbi jab iyo quus isugu jirtay oo uu ku muujiyay in uu aad uga cabsanayo in Kamala Harris ay ku garaacdo codbixinta.