
TPLF oo Abiy Ahmed uga digtay xiisad dagaal oo cusub
Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray TPLF ayaa caro ka muujisay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu kahor sheegay Baarlamaanka Dalkaas isla markaana kahor imaanaya heshiiska labada dhinac ay kuwada joogaan.
War kasoo baxay Kooxda TPLF ayaa sheegtay in Abiy Ahmed uu ka shaqeynayo waxyaabo dhaawici kara heshiiskii ay wada galeen, waxa ay ku goodisay in haddii dagaalka uu billowdo uu sii socon doonno kana sii adkaan karo dagaalladii hore.
Bayaanka Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray TPLF ayaa intaas lagu daray in ilaalinta heshiiskii Pretoria uu yahay mid ahmiyad weyn u leh labada dhinac, haddii garab kamid ah labadaas uu ka baxanaya dib loogu laaban doonno colaaddii qaraareed sida hadalka loo dhigay.
TPLF ayaa daandaansi ku tilmaamtay hadallada culus ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku tuurayo dhankooda, waxa ay kooxdu sheegtay in aanay u cuntamin hadalladaas in ay qaadato ama aqbasho waa sida ay ku doodday.
Dagaalka salkiisu ahaa muranka doorashooyinkii Itoobiya ee billowday 20kii Nofeembar 2022 ayaa galaaftay nolosha dad u dhaxeeya 300 oo kun ilaa 600 oo kun, dhaawaca tiro intaas ka badan, waxaa intaas dheer barakaca oo dadka qaar ka gudbeen xuduudda.























