Tirada Khasaaraha Ka Dhashay Diyaaradii Ku Burburtay Filibiin Oo Korortay
Tirada dhimashadda ayaa la sheegay inay gaartay 50 qof, kadib, markii 5 mayd oo kale laga helay goobta ay Diyaaradda shalay ku burburtay.
Saraakiisha Milliteriga ee dalkaasi waxay sheegeen inuu Shilkaasi ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi.
Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa C 130 Hercules waxaa la socday 93 Askari oo uu tababar u soo dhamaaday, si ay ula dagaalamaan Kooxda Abu Sayaaf ee ku xoogan qeybo ka mid ah Koonfurta dalkaasi.
burburtay xilli ay ku degi lahayd Garoonka Diyaaradaha ee Jesiiradda Jolo ee Goblka Sulu ee Koonfurta dalkaasi.
Ma kala cadda waxa sababay Shilkaasi, waxayna Baarayasha ku hawlan yihiin inay baaraan Sanaadiiqda Madow ee duuba Codadka iyo Xogaha kale ee Diyaaradaha.
Shilkii ugu dambeeyey ee ugu dhimashda badnaa Ciiddanka Cirka ee dalka Filibiin waxa uu dhacay sanadkii 1971-kii, kadib, markii ay 40 Askari ku geeriyodoeen Diyaarad ku burburtay Waqooyiga Caasimadda dalkaasi ee Maniila.