Tirada Ciidamada Burundi looga dilay weerar ka dhacay duleedka Balcad oo la shaaciyay

0
424

Tirada Ciidamada Burundi looga dilay weerar ka dhacay duleedka Balcad oo la shaaciyay

Illaa 12 askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi ee ka midka ah howlgalka AMISOM ayaa Sabtidii la soo dhaafay lagu dilay weerar ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii kolonyo ay la socdeen Ciidamada ay weerar gaadmo ah ku qaadeen dabley ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Burundi oo ku sugan magaalada Bujumbura ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 12 askari oo reer Burundi ah la dilay, halka 6 kalena la dhaawacay weerarka lagu qaaday kolonyadooda.

“Haa waa run. Nasiibdarro 12 kamid ah ciidamadeena ayaa la dilay lix kalena waa la dhaawacay Sabtidii Xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weeraray, iyada oo ciidanka ka soo noqonaya howlgal amni oo ka yimid Jowhar, kuna sii jeeday Muqdisho” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowlada Burundi oo aan magaciisa sheegin.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 14 askari oo Burundi u dhalatay ay ku dileen weerar ka dhacay duleedka degmada Balcad Sabtidii la soo dhaafay, iyadoo weerarkaas uu ka horeeyay weerar kale oo lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo qarax miino lala beegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here