Tallaabo Uu Trump Qaadi Rabo Oo Walaac Laga Muujiyay

0
480

Tallaabo Uu Trump Qaadi Rabo Oo Walaac Laga Muujiyay

Sarkaal dhanka doorashooyinka u qaabilsan gobolka Georgia ee waddanka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Trump uu qaadi doono mas’uuliyadda wixii qulqulata ah oo ka dhasha eedaha aanan loo meeldayin ee uu ku andacoonayo in doorashada lagu shubtay.

“Xaalku faraha ayuu ka baxay,” Gabriel Sterling ayaa ka digay. “Waa in la joojiyaa!” Waxa uu sheegay Gabriel Sterling ayaa mar uu Talaadadii hadlayay waxa uu sheegay inay jiraan gooddis iyo hanjabaad dil oo loo diray dad ka shaqeynayay doorashada.

Georgia ayaa waxa ay dib u tirinaysaa codadkii doorashada kaddib codsi ka yimid kooxda Trump. Joe Biden ayaa gobolkaas muhiimka ah waxaa lagu dhawaaqay inuu si dirqi ah ugu guulaystay codadkii la dhiibtay.

Tirinta labaad ayaanan muujin wax isbadel ah oo wayn, Xoghayaha gobolka Georgia Brad Raffensperger, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sidaasi sheegay Arbacadii. Waxa uu sheegay in aanan la helin wax caddaynaya inay jirtay ku shubasho baahsan arrintaas oo haddii ay soo bixi laheyd taageeri laheyd sheegashada Mr Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here