Taliban oo si adag uga ka hor-timi qaraar ay iska kaashadeen in ka badan 90 waddan

0
182

Taliban oo si adag uga ka hor-timi qaraar ay iska kaashadeen in ka badan 90 waddan

Taliban ayaa Jimcihii sheegay in go’aankooda ay uga mamnuuceen haweenka dalkaas u dhashay inay u shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay inay tahay arrin “bulsho oo gudaha dalkaas khusaysa” ayna tahay inay ixtiraamaan dhammaan dalalka kale.

Bayaanka ay soo saareen ururka Taliban Jimcihii ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay soo saareen qaraar ay si adag ugu cambaaraynayaan tallaabada mamnuucista ah ee ururka Taliban uu ku soo rogay haweenka dalkaas, iyaga oo ugu baaqay inay si degdeg ah u qaadaan, haweenka reer Afghanistanna ay u ogolaadaan inay waxbaran karaan, isla markaana ay shaqayn karaan.

Qaraarkan waxaa sidoo kale taageeray in ka badan 90 dal, waxaana si weyn walaac looga muujiyey tallaabooyinka sii kordhaya ee ay qaadayaan ururka Taliban ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ee ka dhanka ah haweenka iyo hablaha reer Afghanistan.

Wasaaradda arrimaha debedda ee xukumadda Taliban ayaa sheegay in isagoo tixgelinaya dhaleecaynta, haddana in arrintaasi ay tahay mid u taalla dadka reer Afghanistan ee aanay ahayd mid khusaysa dalalka debedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here