Taliban oo shuruuc cusub kusoo rogaysa xisbiyada siyaasadeed ee Afghanistan

0
180

Maulvi Abdul Hakim Sharia, oo ah sii hayaha xilka wasiirka cadaaladda ee xukuumadda Taliban ee dalka Afgaanistaan, ayaa sheegay in aan xisbina loo ogoleyn inuu ku shaqeeyo xukunkooda.

Wasiirka cadaalada ee Taliban ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij loogu magac daray “la xisaabtanka qaranka” oo ka dhacay magaalada Kabul.

Shariah, oo la sheegay inuu aad ugu dhow yahay hogaamiyaha Taliban Maulvi Hibatullah Akhundzada, ayaa yiri, “Xisbiyada siyaasaddu uma dhisna qaab waafaqsan shareecada Islaamka, danta qarankana laguma ilaaliyo, sidaas darteed, gabi ahaanbana waa mamnuuc.”

Wuxuu sidoo kale eeda masiibada Afgaanistaan ​​dusha ka saaray xisbiyada siyaasadda.

Sanadihii la soo dhaafay, ku dhawaad ​​100 xisbi, ayaa loogga dhawaaqay Afgaanistaan, laakiin tirada xisbiyada sida rasmiga ah u diiwaangashan, ayaa gaaraya 56.

Laakiin tiradan, ayaa hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay. Bilihii ugu horeeyay ee sanadka 2021-ka, tirada xisbiyada Afgaanistaan ​​ee ku shaqeeya mabaadi’da dowladda jamhuuriyada, ayaa waxay ahaayeen 45 xisbi.

Dhammaadkii hannaanka jamhuuriyadda ee dalka Afghanistan, ayaa waxa shuruud lagu xiray xisbiyada siyaasadda inay xafiisyo ay hawlahooda ku qabsadaan furtaan, iyo ugu yaraan inay ka hawl galaan 20 gobol. Sidaa darteed, xisbiyo badan, ayaa buuxin kari waayay shuruudahan.

Xisbiyada siyaasadda ayaa la sheegay inay muhiim u yihiin ka qayb galka doorashada, balse afhayeenka xukuumadda Taalibaan Zabihullah Mujahid, ayaa shalay u sheegay BBC Pashto inuusan aaminsanayn doorashada, isla markaana doorashooyinka Afgaanistaan ​​qaarkood aysan diyaar u ahayn inay aqbalaan nidaamkan, iyadoo la tixgelinayo waayo-aragnimadii hore.

Qaab dhismeedka hannaanka loo maro xisbiyada siyaasadeed iyo jiritaankoodaba ee Afgaanistaan ​​waa in ka badan qarni. Laakiin markii xisbiyada siyaasadeed ay bilaabeen hawlahooda rasmiga ah, xilligii boqor Zahir Sha, waxaa loo arkaa “tobankii sano ee dahabiga ah ee dimuqraadiyadda” Afgaanistaan.

Wasaarada cadaalada ee Taliban, ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ay sameeyeen sharciyo ay ku dhaqmaan hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ayna u direen hoggaankooda.

Mas’uuliyiinta wasaaraddan ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddi ka kooban 25 xubnood, oo ka doodi doona sharciyo qabyo ah. Culimada diinta iyo muftiga xukuumadda Taliban, ayaa qayb ka ah guddigan.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ee Taliban ayaa sheegay in marka guddigooda oo ka kooban 25 xubnood ay soo dhameystiraan sharciga qabyo qoraalka ah, ay u diraan hoggaankooda fadhigiisu yahay Kandahar, iyadoo Akhundzadana uu kala hadli doono culimada kale ka hor inta uusan saxiixin.

Isha: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here