Taiwan Oo Wakiil Cusub U Magacawday Somaliland

0
399

Taiwan Oo Wakiil Cusub U Magacawday Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maamulka Taiwan ayaa u magacowday Lou Chen-hwa oo ahaa wakiilkeedii u qaabilsanaa dalka Sacuudiga in uu noqdo wakiilka Safiirka Taiwan ee Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa u xaqiijiyey magacaabista CNA kadib markii warbaahinta maxalliga ahi ay soo weriyeen in laanta fulinta Yuan ay u magacowday Lou, mid ka mid ah afarta dibloomaasiyiin reer Taiwan ah oo ku sugnaa Somaliland ilaa bishii Febraayo iyaga oo isu diyaarinaya in ay xafiiska dhisaan, iyada oo ah wakiilka Taiwan ee Somaliland.

Taiwan ayaa ka go’day dalweynaha Shiinaha iyada oo todobaadkaan gudihiisa safiirka Shinaha u qaabilsan Soomaaliya uu sheegay in aysan safiir usoo magacaabi karin dal kale isla markaana Taiwan ay qeyb ka tahay dalweynaha Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here