Sweden oo Duulimaad Sirdoon ka samaysay meel u dhaw xuduudka Raashiya

0
141

Mid ka mid ah Diyaaradaha Sirdoonka dalka Sweden ayaa la sheegay inay Duullimaad ku martay Hawada Finland, meel ku dhow xuduudka ay Raashiya la wadaagaan.

Diyaaradda Sirdoonka Sweden ee nooceedu yahay S102B Gulfstream ayaana markii u horeysay samaysay Duullimaad lagula soconayo Dhaqdhaqaaqyada Milliteriga Raashiya ee ku sugan meel aan ka fogeyn xuduudka Finland.

Wargeyska ka soo baxa Sweden ee lagu magacaabo Dagens Nyheter (dn.se) ayaa qoray inay Diyaaradda Sirdoonka Sweden ay maalmihii Arbacada iyo Khamiistii la soo dhaafay dul martay meel ku dhow xuduudka dalka Raashiya la wadaagaan Finland.

Dowladda Finland ayaa bixisay Fasaxa Duullimaadka Diyaaradda Sirdoonka Sweden ee S102B Gulfstream ka samaysay Hawadooda, si ay Xogo uga soo ururiyaan Dhaqdhaqaaqyada Milliteriga Raashiya ee ku sugan dhulka xuduudka ee ay Finland la wadaagaan oo dhererkiisu dhan yahay 1,340 KM ama 832 mile.

Dhanka kale, G/Sare Joachim Paasikivi oo ka tirsan Milliteriga Swedish oo la hadlay Wargeyska ayaa sheegay inuusan Duullimaad Sirdoon oo noocaasi ah horey u dhicin.

Waxa uu intaasi ku daray inuu xaqiiqdii arkay inay Sweden awoodi karto inay samayso Duullimaadyo Sirdoon oo lagula soconayo waxyaabaha ay Raashiyaanka samaynayaan.

Sarkaalkaasi waxa kale oo uu xusay inay aad u Wanaagsan tahay Hawlgalada Duullimaadyada Sirdoonka ee laga sameynayo gudaha xuduudka dalka Finland, si loo xooraansado Dhaqdhaqaaqyada Milliteriga Raashiya ay xilligan ka wadaan Deegaanada ku teedsan xuduudka dalka Finland.

Ma kala cadda inuu Hawlgalka Sirdoonka dalka Sweden yahay mid iyaga u khaas ah ama inay Xog Ururintaasi la wadaagi doonaan Maraykanka, Midowga Europe iyo Isbahaysiga NATO, iyadoo ay Dowladda Sweden weli galaangal xoogan ugu jirto Xubinnimada Isbahaysiga NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here