Suuriya oo 50 sano kaddib xor ka noqotay qoyska reer Assad

0
78

Suuriya oo 50 sano kaddib xor ka noqotay qoyska reer Assad

Dalka Suuriya ayaa maanta 50 sano kaddib waxa uu xor ka noqday Xaafid Al-Assad iyo Wiilkiisa Bashaar oo 24kii sano u dambeeyay maamulayay Dalkaas iyaga oo isaga kala dambeeyay awoodda maamul ee Dalkaan Carbeed.

Bashaar oo muddooyinkii dambe ku naaloonayay guushii uu ka gaaray kacdoonkii carabta ee lagu riday madax lamid ahayd iyo dagaalladii sokeeye ee Dalkiisa ka dhacay ayaa si lama filaan ah waxaa kusoo shaacbaxay kooxaha haatan awoodda ka tuuray.

Hoggaamiyaan Dalkiisa isaga cararay ee ilaa haatan la raadinayo Dalka uu magangalyada u doontay waa Bashaar Al-Assad ayaa bilihii u dambeeyay waxa uu ku howlanaa dib usoo celinta cilaaqaadkii kala dhaxeeyay Dalalka Carabta oo muddo aan wanaagsanayn.

Kooxaha hubeysan ee horumarka degdega ah ka sameynayay dagaallada ka dhacay Gobollada iyo duleedka Dimishiq ayaa Maanta si fudud kusoo gaaray Magaalo madaxda Dalkaas, waxa ay la wareegeen goobaha muhiimka ah ee xarumaha Dowladda ah.

Maxaa sababay isbaddelkaan degdega ah?

Waa su’aal inta badan aad la isku weydiinayo maadaama awoodda ciidan ee Bashaar Xaafid Al-Assad ay aad u sareysay isla markaana uu ku tiirsanaa Dalal kala duwan sida Ruushka, waxaa loo badinayaa khilaaf ka dhex dhacay ciidankiisa.

Sidoo kale waxaa indhaha lagu hayaa Dagaallada ay ku jiraan Saaxiibadiisa sida Ruushka oo awood isugu geeyay Ukraine, Xisbullaah oo hoggaankoodii Israa’iil dishay, Iiraan oo ku howlan iska caabbinta iyo diyaarinta weerarro ka dhan ah Yuhuudda & kuwo kale.

Dadka oddoroska ku sameeya Siyaasadda ayaa sheegay in kooxaha awoodda Dalka la wareegay ay u muuqdaan in muddo lagu howlanaa diyaarintooda marka laga tusaale qaato sida ay isugu xiran yihiin, qaabka fudud ay ku qabsadeen Magaalooyinka iyo hubka ay wataan.

La soco wixii kasoo kordha