Sucuudiga oo ogolaaday in haween ka qayb galaan tartanka fardaha

0
422

Sucuudiga oo ogolaaday in haween ka qayb galaan tartanka fardaha

Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo dhawaysay in haween ka qayb galaan tartanka fardo fuulka ee dalkeedu marti gelin doono, abaal marinta lagu helayana lagu qiyaaso ilaa 27 milyan oo doolar.

Tartankaas oo noqon doona ka abaal marinta lagu helayaa ugu qiimo badan tahay dunida, ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalo madaxda Riyaad 29 Feeberweri 2020.

Gudoomiyaha xidhiidhka fardo fuulka Sucuudiga, Amiir Bandar Bin Khaalid Al-Faysal, ayaa yidhi “hablaha fardo fuulka ku tartama waa lagu soo dhawaynayaa” in ay ka qayb galaan tartankan.

Go’aankan ayaa noqon kara tallaabo furfurnaani ka muuqato oo uu qaaday dal had iyo goor lagu dhaliilo halka uu ka taaganyahay xuquuqda haweenka.

Amiir Bandar wuxu ku sheegay waraysi uu siiyey BBC-da, in dhacdadaa isboori qayb ka tahay dedaalka looga gol leeyahay in dalka “lagaga hirgeliyo” isbedellada, waxaanu farta ku fiiqay dedaalka socda ee casriyeyta boqortooyada ee ku taagan dhabbaha lagu magacaabo “aragtida 2020” ee koboca dhaqaale iyo casriyeynta dalka.

Fagaaraha Boqor Cabdicasiis ee tartanku ka dhici doonoLahaanshaha sawirkaSAUDI CUP
Image captionFagaaraha Boqor Cabdicasiis ee tartanku ka dhici doono

Waa noocma tartanka fardaha ee Sucuudigu

Waa tartanka fardaha ee ugu weyn Sucuudiga oo abaal marinta lagu helayaa gaadhayso ilaa 20 milyan oo doolar, waxaanu tartanku ka dhacaa fagaaraha Boqor Cabdicasiis ee fardaha, sidoo kale waxa lagu bixin doonaa abaal marino dheraad ah oo lagu tartami doono shan tartan oo kale wadarta qiimahooduna gaadhaysto 6.8 milyan oo doolar.

Shuruudaha fardaha ka qayb gelaya waxa ka mid ah in farasku ka farcanyahay fardaha ku nool wadamada dhul badhaha woqooyi ka xiga, da’diisuna aanay ka weyneyn afar jir, qofka ku joogana aan miisaankiisu ka badan 57 kiiloo.

Sucuudigu muxuu ku doortay inuu ciyaaraha noocan ah marti geliyo?

In kasta oo dhaqaalaha dalka baatroolku laf dhabar u yahay, ayaa hadana waxa jirta baahi loo qabo in dakhli kale la abuuro, waana sababta dalku ugu baydhayo xaga dalxiiska iyo madadaalada.

Tartanka fardaha, iyo guud ahaan ba isboortiga, waxa beryahan ba maal gashanayey Imaaradda Dubai iyo dalka Qatar, in kasta oo dalalkaa su’aali ka taagan tahay qadarinta ay u hayaan sinnaanta iyo xorriyada hadalka.

Qaban qaabiyeyaashu waxay sheegeen in 12 kun oo qof u daawasho tagi doonaan tartankaLahaanshaha sawirkaSAUDI CUP
Image captionQaban qaabiyeyaashu waxay sheegeen in 12 kun oo qof u daawasho tagi doonaan tartanka

Tartanka koobka fardaha ee Sucuudigu wuxu dhici doonaa bil ka hor tartanka koobka adduunka ee tartanka fardaha ee Dubai oo sannado badan ahaa ka lacagta ugu badan lagu helo. Waxaana suurto gal ah in fardo fuulka xirfaddan lihi laga yaabo in ay fardahooda ku tabobaraan gobolkaas in muddo ah si ay ugu suurto gasho in ay labada tartan ba uga qayb galaan.

Hase yeeshee iyada oo la filayo in arintani dhalin karto tartan khilaaf keeni kara oo dhex mara dalalka tartammadaa fardo fuulka qaban qaabiya, ayaa hadana la hubaa in Amiir Bandar si toos ah mashruucan ugala xaajooday Amiirka Dubai, Sheekh Maxamed Bin Raashid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here