Sucuudiga oo bilaabay qorshe istiraatiijiyadeed lagu bartilmaameedsanayo Turkiga

0
550

Sucuudiga oo bilaabay qorshe istiraatiijiyadeed lagu bartilmaameedsanayo Turkiga

Dowladda Sucuudiga ayaa bilowday hirgalinta qorshe sir ah oo ay kaga cad-goosanayso dowladda Turkey, kaddib markii Maxamed Bin Salmaan uu dulqaad dheeri ah u muujiyay madaxweyne Recep Dayyip Erdogan taaso salka ku haysa dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Qorshahan sirta ah ayaa lagu faahfaahiyay warbixin qarsoodi ah oo isugu jira kuwa sir ah iyo kuwa furan oo xog-ogaal ah oo ay diyaariyeen xulufada boqortooyada ee Imaaraadka.

Warbixinan sirta waa mid ka mid ah qormooyin taxane bille ah ee ay soo saarto Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka,( Emirates Policy Centre) oo xiriir dhow la leh dowladda iyo hay’adaha ammaanka Imaaraadka.

Qorshahan sirta ah oo cinwaankeedu ahaa “Warbixinta billaha ee Sucuudiga” taasoo la qoray 24-kii May 2019, ayaa lagu sheegay in lala wadaagay madaxda ugu sarraysa Imaaraadka, laakiin laguma daabicin mareegta ay leedahay Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka “Emirates Policy Centre”. hase yeeshee nuqul ay heshay jariiradda Middle Easty Eye ayaa soo bandhigay sirtan.

Jariiradda Middle Easty Eye ayaa qortay,

“Qorshaha Riyad ee bishii May waxaa lagu dajiyay qorshe lagu howl-galo oo lagu curyaamiyo dowladda Turkiga”.

Jariiraddu waxay kaloo leedahay,

“Qorshaha ugu wayn waa in la adeegsado xeelad kasta oo macquul ah oo culays lagu saarayo dowladda Turkey laguna wiiqayo awoodda madaxweyne Erdogan iyo in mashquul looga dhigo arrimaha gudaha dalka Turkiga taasoo hoos u dhigi doonta awooddiisa fursadna u noqon doonta mucaaradkiisa, ama in dhibaatooyin dhaqaale oo is xigxiga lagu riixo taasoo sababi karta inuu khalad ku dhoco oo kaddibna ay warbaahinta dalka & midda dibaddu aad u lafa-guraan.

Wargayska Middle Easty Eye ayaa suaalo ka weyddiiyay saraakiisha Xarunta Siyaasadda Imaaraadka mashaqadan taagan, laakiin way ka gaabsadeen ayay tiri jariiraddu.

IN LA XADDIDO KU LUGLAHAANSHAHA ARRIMAHA SIYAASADDA GOBOLKA.

Qorshaha Sucuudiga ayaa ah in Erdogan laga xaddido ka qaybgalka iyo wadaagga arrimaha ka dhacaya gobolka Barigga Dhexe.

Jariiraddu waxay tiri:-

1. Boqortooyada Sucuudigu ayaa bilowday inay si tartiib tartiib ah u joojiso maalgashiga shirkadaha Sucuudiga ee Turkiga ku sugan.

2. In la yareeyo dalxiisayaasha u tamashle tagaya Turkiga, kaddibna dadka loo jiheeyo waddamo kale oo ay u dalxiis tagaan.

4. In Sucuudigu yareeyo iibisiga alaabta ka imaanaysa Turkiga iyo in la daciifiyo ku lug-lahaanshaha siyaasadda gobolka iyo midda dalalka Islaamka.

Wargaysku wuxuu tilmaamtay:-

“In dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin-Salamaan uu qaatay go’aan uu isaga difaacayo eedayntii Ankara oo salka ku haysa dilka wariye Jamaal & sirdoonkii raggii dilay, dilkaasoo abuuray caro ka timid adduun-waynaha & in dolwadda Turkey ay soo bandhigtay caddaymo ku saabsan dilka wariyaha”.

Sirta la helay ayaa tiri….. “Madaxweyne Erdogan aad ayuu ugu fogaaday ololihiisa ku wajahan boqortooyada, gaar ahaan dhaxal-sugaha, isagoo adeegsanaya qaabka ugu xasaasisan ee dilka wariye Jamaal”.

Warbixinta ay diyaarisay Xarunta Imaaraadka ayaa tiri :- “Ankara maysan keenin wax caddayn ah oo muuqda oo lagu kabayo baaritaanka Sucuudiga ee ku saabsan dilka wariye Jamaal. Taa baddalkeeda Turkidu waxay warbixinno u dusiyeen warfaafinta, warbixinnadaasoo dhammaantood loogu tala-galay in khal-khal la galiyo sumcadda Boqortooyada iyo midda dhaxal-sugaha Maxamed Bin-Salmaan”.

Warbixintu waxay intaas ku dartay,

Xukuumadda Riyaad maysan ku darin inuu Mr, Erdogan ku guul-darraystay hadafkiisa ahaa inuu arrinta dilka Jamaal uu adduun waynaha garwadeen uga dhigo, lakiin Riyaad waxay leedahay waxaa la joogaa waqtigii aargoosiga”. Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Xarunta Siyaasadda Imaaraadka.

Hay’adda CIA iyo aqalka Congress’ka Maraykanka ayaa ku qancay warbixinta ay soo bandhigeen Turkida ee ku saabsan dilka Jamaal. Sidoo kale CIA iyaduna warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay inuu Maxamed Bin-Salmaan amray dilka wariyaha uuna lahaa fikradda howl-galinta xubnihii dilka gaystay.

CIA warbixinta ay soo saartay waxay tiri “Ma jirto sabab la’aan ay ar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here