Soomaaliya oo dalbatay in la hakiyo Wajiga labaad ee qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS

0
140

Soomaaliya oo dalbatay in la hakiyo Wajiga labaad ee qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS

Dowlada Soomaaliya ayaa ka codsatay Qaramada midoobay in la hakiyo Wajiga labaad ee Qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS kaasoo qorshuhu yahay in 3000 oo Askari ay ka baxaan Dalka dhamaadka Bishan.

Warqad uu qoray la taliyaha Amniga Qaranka ayaa looga codsaday Qaramada in arimo farsamo darteed dib loo dhigo arintan waxaana loo sababeeyay caqabadaha dhinaca Amniga ah ee wali jira iyo dagaalada ciidamada dowlada kula jiraan Al-shabaab.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhacdooyinkii ka dhashay Weerarkii ka dhacay degaanka Cowsweyne ay muujinayaan Nuglaanshaha Ciidamada jooga furimaha Dagaalka.

Goobaha la qorsheeyay in Ciidamadan ATMIS ka baxaan bishan waxaa ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya iyo fariisimo kale oo ku yaala Gobolada Dalka.

Dowlada waxay sheegtay in aaney wax isbadal ah ku imaan doonin qorshaha ay ATMIS guud ahaan uga baxayaan dalka dhamaadka Sanadka soo socda balse waxa ay hadda dalbatay mudo 90 cisho ah in dib loo dhigo bixitaanka 3000 kun ee Askari.

Lama oga jawaabta Qaramada midoobay ka bixin doonto codsiga dowlada Somalia oo ku soo beegmay xili ciidanka ATMIS ay bilaabeen qorshaha dabayaaqada bishan dalka looga saarayo 3000 kun oo askari, iyagoo dhowaan ciidanka Xoogga dalka ku wareejiyey saldhigii ugu weynaa ee ATMIS ku laheyd Sh/dhexe oo ku yaalla degaanka Biyo cadde.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here