Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Heshiinaya Qodob Ay Isku Khilaafsanaayeen

0
718

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Heshiinaya Qodob Ay Isku Khilaafsanaayeen

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa gaaray heshiis hordhac ah, waxaana labada dal ay horay isugu khilafsanaayeen Qodobo dhowr ah, iyadoo ay jireen eedo culus oo dowladda Kenya loo jeediyay, balse Shirka urur Goboleedka IGAD ee ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa la sheegay in labada dal la isku soo dhaweeyay.

Madaxda ku howlan dhex-dhexeedinta labada dal ayaa la sheegay in ay ku qanciyeen Soomaaliya iyo Kenya in dib ay usoo Celiyaan Xiriirkii Diblomaasiyadeed, kaasi oo Dowladda Soomaaliya ay horau ugui dhawaaqday in ay Kenya u jartay.

Iyadoo aysan jirin Warmurtiyeed Rasmi ah oo lagu shaaciyay Qadobkaasi ayaa haddana waxaa wararku ay tibaaxayaan in labada dal haatan la isku soo dhaweeyay, dibna loo soo celin doono Xiriirka Diblo maasiyadeed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xariirkoodu waxaa  dhawaan uu noday mid aad u xun, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay Xiriirka u jartay Kenya, waxaana ay u jeedisay eeeymo kala duwan oo ay ka mid yihiin in Kenya ay ku xadgudubtay Madaxbannaanida Soomaaliya, ayna faragalin ba’an ku sameysay arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here