Thursday, September 10, 2026
Home WARAR Soomaalida Ku Sugan Jarmalka Oo La Shaaciyay Gobollada Ugu Badan Ee Soomaaliya...

Soomaalida Ku Sugan Jarmalka Oo La Shaaciyay Gobollada Ugu Badan Ee Soomaaliya Ee Ay Ka Kala Yimaadeen

0
318

Sida lagu daabacay bar ay wax ku baahiyaan Soomaalida kunool dalka Jarmalka, dowladda dalkaasi ayaa shaacisay gobollada ay u badanyihiin ama ka kala yimaadaan Soomaalida ku nool Jarmalka.

Soomaalida dalkan 2016-2020 degnayd iyo gobollada ay ku kala dhasheen ama ka kala yimaadeen. (Sida ay dowladda Jarmalka qortay).

– Banaadir inay ku dhasheen waxaa sheegtay 39.5%

– Koonfur Galbeedna 23.5%

– Jubbaland 16.4%

– Hirshabeelle 10.8%

– Somaliland 4.4%

– Galmudug 2.8%

– Puntland 2%

– Mudug oo markale ay gooni u qoreenna 0.8%

Tiro ahaan haddii loo bedelo sidaan ayay dowladda qortay, ayadoo tirooyinka soo koobaysa.

– Banaadir waxaa ku dhashay 9,900 qof

– Koonfur Galbeed waxaa ku dhashay 5,900 qof

– Jubbaland 4,100 qof

– Hirshabeelle 2,700 qof

– Somaliland 1,100 qof

– Galmudug 700 qof

– Puntland 500 qof

– Mudug Gm (oo ay sidaa u qoreen) 200 oo qof