SOMALILAND oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah Qaramada Midoobay

0
793

SOMALILAND oo ku dhowaaqday go’aan ka dhan ah Qaramada Midoobay

Somaliland ayaa shaacisay go’aan culus oo ka dhan ah hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa howl-gala deegaanada somalıland.

Warsaxaafadeed ku qornaa Luqadda Engilishka oo ka soo baxay wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda somalıland ay deegaanadeeda ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in Somaliland ay hakisay haatan wixii ka dambeeya wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adahaasi, iyada oo go’aankaan uu dhaqan galay shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020.

Ma shaacin Somaliland sababaha rasmiga ah ee ay u joojisay wada-shaqeynta ay la laheyd hay’adaha QM  ee ka howl-gala inta badan deegaanada Soomaalida.

Si kastaba Somaliland oo dooneysa inay ka go’da Soomaaliya inteeda kale ayaa ka soo horjeeda in dowladda dhexe ee federaalka loo soo marsiiyo mashaariicda kala duwan ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, taas oo loo sababeynay go’aankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here