Somaliland Oo Ka Hadashay Warbixintii Guddiga Xaqiiq Raadinta Ee Somalia Iyo Kenya
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay marxaladda siyaasadeed ee ka taagan Geeska Afrika, mawqifkeeda ku waajahan go’aamadii laga soo saaray khilaafkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya ee Dawladda Soomaaliya walaaca ka muujisay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in Warbixintii ay soo saareen Guddigii IGAD ee la xiriirtay Somalia iyo Kenya looga baahnaa dowladda Federaalka inay ku qanacdo, sida Kenya ay soo dhaweysay Warbixinta Guddiga xaqiiq raadinta ahaa.
Waxaa uu tilmaamay Wasiir Yaasiin Xaaji Faratoon in markii horey Guddiga xaqiiq raadinta ee loo xil saaray khilaafka Soomaaliya iyo Kenya loogu dhiibay kalsooni Urur Goboleedka IGAD uu ku qabay Guddiga, isla markaana dowladda Federaalka laga doonayay inay ku qanacdo oo aysan ka horimaan Guddiga.
“Madaxweynaha Somaliland, wuxuu hore u sheegay halkaynu dal ahaan ka taagan nahay arrimaha u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, dabcan sidaynu ognahay Guddi dhex dhexaadin ah ayaa loo magacaahay waxay isku hayaan, Guddiduna waxay isku hayaan ayey dib u eegtay, waxayna soo saartay qodobo ay Guddidu u arkaysay in wax lagu xalin karo, Kenya way ku qanacaday, waxayna ahayd in Soomaaliyana ku qanacdo, oo aanay waxyaabo aan jirin iyo dhaleecayn sheegin, maadaama ay markii horeba Gudidda kalsoonida siisay” ayuu yiri Wasiir Faratoon.
Mar uu ka hadlayey xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika ayuu yiri “Inagu Somaliland ahaan waxaynu mar walba ku baaqaynaa wanaag, wax kasta oo ku soo kordha Wadamada Geeska Afrika, Wadamada kale ee Afrika iyo Caalaamkaba, waxaynu jecel nahay inay noqoto wax u wada dan ah cid kasta”.
Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa Carabka ku dhuftay inay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalalka Beesha Caalamka, isla markaana waxaa uu xusay inay doonayaan inay sii wadaan xiriirka ka dhexeeya dalalka Beesha Caalamka.