Somaliland oo 3 todobaad u qabatay in ay isku diiwaangaaliyaan ajaanibta ku sugan
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku amartay dhammaan ajaanibta ku sugan gudaha in ay iska diiwaangaliyaan hay’adda Socdaalka ee Somaliland.
Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu amray ajaaniibta aan haysan warqadda joogitaan ama dagnaashaha in ay ku qaataan muddo saddex todobaad gudahood, oo ka billaabanaysa May 6, 2025, kuna eg May 25, 2025.
Somaliland ayaa sheegtay ajaaniibta isdiiwaangalisay in ay siin doonta ogalaansho ku meel gaar ah, iyada oo sheegtay in laga qaadi doona ajuuro, sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay ajaanibta doonaysa in ay dib ugu laabtaan dalalkooda muddada ay socota diiwaangalinta ay iska bixi karaan, iyada oo aan laga qaadayn wax qarasha ah.
Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonta ajaanibta aan isdiiwaangalin.