Somaliland Iyo Taiwan Oo Maanta Heshiis Hor Leh Kala Saxiixday

0
305

Somaliland Iyo Taiwan Oo Maanta Heshiis Hor Leh Kala Saxiixday

Magaalada Hargeysa ayaa Maanta waxaa heshiis Cusub ku kala saxiixday Xukuumadda Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo ku aadan dhanka Beeraha deegaanada maamulkaas, isla markaana socon doona muddo 5 sanno ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr Axmed Cali Maax iyo Mr. Mars Shiue oo Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Safaaradda Taiwan ayaa si wadajir u kala saxiixday heshiiskaas

Heshiiskan oo daba socda heshiisyadii iskaashi ee hore u kala galeen Somaliland Iyo Taiwan ayaa ku qotoma bilawga barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan ee baahi bulshada Somaliland u qabto, sida Liinta , Saytuunka , Tamaandhada , Basasha iyo khudaarta kale..

Barnaamijkan ayaa ah mid labada dhinac iska kaashan doonaan waa Somaliland iyo Taiwane, sida qalabka iyo iyo dalaga oo dawladda Taiwan keeni doonto , halka Somalilanda goobaha laga hirgalinayo oo u badan dhulka biyaha leh ee guud ahaan Somaliland laga hirgalin- doono.

Si kastaba madasha heshiiskaan Cusub lagu kala saxiixanayay ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka Taiwan iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Somaliland, iyadoo horeyna labada dhinac ay heshiisyo u galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here