Somaliland Iyo Taiwan Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday+Ujeedkiisa

0
499

Somaliland Iyo Taiwan Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday+Ujeedkiisa

Xukuumadda Somaliland iyo dalka Taiwan ayaa kala la saxiixday heshiis Cusub oo ku saabsan xiriirka wanaagsan oo u bilaabmay labadan dal ee aan haysan aqoonsi Caalami ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo dhawaan booqday Magaalada Taipei ee Caasimadda dalka Taiwan iyo dhigiisa ayaa heshiiska kala saxiixday, waxaana Taiwan ay aqoonsatay Baasaboorka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan ayaa Qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan Jacayl qoto-dheer oo xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah.

Wasiir Yaasiin Maxamuud Faratoon iyo dhigiisa Taiwan ayaa sidoo kale ku heshiiyay xoojinta xiriira ka dhexeeya labada dhinac, isla markaana lagu saleeyo dhinacyo kala duwan, waxaana dalka Taiwan uu ku yaallaa bariga Qaaradda Aasiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here