Sidee ku billowday dagaalka Suuriya ee ay ku dhinteen in ka badan 350 qof?
Iska horimaadyo u dhexeeya kooxaha Druusiyiinta iyo qabaa’ilka Baadiyaha ah ee gobolka ayaa socday tan iyo Axaddii 13-kii July.
Dhacdooyinka ayaa loo maleynayaa inay ka bilowdeen afduub loo geystay ganacsade Druus ah oo marayey jidka weyn ee Dimishiq iyo Suwayda.
Waxaa mararka qaar dhacay rabshado u dhexeeya qabaa’ilka Sunniga Baadiyaha ah iyo beelaha Druus ee gobolkaasi.
Iska horimaadka ayaa ku fiday xaafadda Al-Maqwas oo ay deggan yihiin dadka reer Baadiyaha ah.
Waxaa la sheegay in ciidamada Druusiyiinta ay go’doomiyeen xaafadda oo ay la wareegeen.
Dagaalka ayaa intaa kadib ku fiday qeybo kale oo ka tirsan Suweyda, iyadoo Bedouins-ka ay bartilmaameedsadeen deegaanada Druusiyiinta ee galbeedka iyo waqooyiga gobolka.
“Waa markii ugu horeysay ee khilaaf beeleed uu ka qarxo magaalada Suwayda, haddii uu dhamaan waado waxaan u soconaa dhiig-bax” ayuu yiri Rayan Marouf oo ah cilmi-baare Druusi ah oo maamula website-ka Suwayda 24.
Gobolka Sweida waxaa intiisa badan gacanta ku haya maleeshiyaadka Druusiyiinta oo diiday inay ku biiraan ciidamada dowladda.
Druusiyiinta ayaa sheegay in xukuumadda Dimishiq ay jabisay heshiiskii la gaaray kadib iska horimaadyadii bishii May.
Hogaamiyayaasha Druusiyiinta waxay ku adkaysanayaan in dhaqdhaqaaqooda uusan ka soo horjeedin xukuumadda Dimishiq iyo in heshiis lala galay dawladda “bilo ka hor” si loo dhiso unug amni oo lebisan oo ay ku jiraan kooxaha Druusiyiinta.
Suuriya waxa ay hoy u ahayd 700,000 oo Duruusiyiin ah ka hor inta aanu dagaalka sokeeye qarxin 2011kii.
Inta badan dadka laga tirada badan yahay ayaa weli ku nool gobolka Suweyda.
Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsanayn maamulka SSC-Khaatumo