Sidee bay Itoobiya ku galeen tirada badan ee mintidiinta Daacish ee gacanta lagu dhigay

0
22

Sidee bay Itoobiya ku galeen tirada badan ee mintidiinta Daacish ee gacanta lagu dhigay

Laanta ammaanka iyo sirdoonka qaranka Itoobiya ayaa sheegtay inay xireen 82 xubnood oo Daacish ah oo lagu tuhunsan yahay in loo shaqaaleeyay inay ka gaystaan dhaqdhaqaaqyo argagixiso gudaha Itoobiya.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in kuwa la xiray ay qayb ka ahaayeen garabka Daacish ee ka howlgala Puntland, ayadoo lagu soo xiray tuhmanayaashaasi 82da ah iskaashi dhex maray booliska federaalka iyo ciidamada ammaanka gobolka.

Meelaha laga soo kala qabqabtay ayaa kala ah caasimada Addis Ababa, maamulada Oromada, Amxaarada, bartamaha Itoobiya, gobolka Soomaalida iyo Harari.

Booliska deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay ka war qabaan in mintidiintaasi ay tababaro ku soo qaateen gudaha Puntland, ayna halkaasi uga yimaadeen si ay Itoobiya uga fuliyaan weerarro qorshaysan.

Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka ayaa BBC u sheegay ISIS oo muddooyinkii u dambeeyay howlgalo culus lagu qaaday fadhigoodii Bariga Soomaaliya ay mar kasta u tababarnaayeen ama u diyaarsanayeen inay howlgalo ka fuliyaan Geeska Afrika.

”Horta sababta waxaan is leenahay nimankaan ISIS wakhti badan ayay joogeen buuraha Bariga Soomaaliya, wakhtiyadii u dambeeyayna dagaal iyo howlgal culus ayaa lagu qaaday, saldhigyo waaweyn oo ay lahaayeena waa lagu burburiyay, mar kastana waa u tababarnaayeen ama u diyaarsanayeen inay ka howlgalaan geeska Afrika, waxaana ay raadinayeen fursad, fursadiina waxaa ay ahayd in deegaanada Bariga ay marka hore xoogga saaraan ka bacdina ay ku faafaan ama Kenya ha noqoto ama Itoobiya ha noqoto, marka waxaan is leeyahay ciidamadii culays baa soo fuulay, haddana waxaa ay raadinayeen inay saldhigyo kale ka helaan oo weeraro ka fuliyaan Itoobiya” ayuu yiri Kaboole.