Shirkii Musharaxiinta Oo Lasoo Gaba-Gabeynayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in lagu soo gaba-gabeeyo Shirweye labadii maalin ee lasoo dhaafay u socday Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021 iyo Ajendayaal kale oo Musharaxiinta gaar u ahaa.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku biiray Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Odayaasha dhaqanka iyo Culimadda Soomaaliyeed, iyagoona Musharaxiinta kala hadlay Doorashada.
Musharaxiinta oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu baaqay inay Isbedel ku sameeyaan Guddiyada doorashooyinka ay magacaabeen oo lagu tilmaamay inay ku jiraan xubno ka tirsan xafiisyadooda.
Dhinaca kale Culimadda Soomaaliyeed ayaa dhankooda Qoraal soo saaray ayaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee uu socdo shirka iyo Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay in khilaafyada ka dhex-jiar jira lagu dhammeyo wada-hadal, si ay u dhacdo doorasho xor oo loo dhan yahay.
Shirka Musharaxiinta oo Maanta sida uu qorshahu yahay lasoo gaba-gabeyn doono ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu faah faahin doono sida ay Musharaxiinta u wajahaan Doorashada dalka iyo arrimo kale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay sameeysan doonaan Golle mid ah.
Si kastaba Musharaxiinta ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada Doorashooyinka ee heer federal iyo heer maamul Goboleed oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Musharaxiinta shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya ayaa kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle, Cabduqaadir Cosoble Cali, Mustaf Dhuxulow iyo Musharaxiin kale.