Shirkii Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Dib U Dhacay
Iyadoo saaka oo khamiis ah lagu waday in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansanaa.
Wararku waxaa ay sheegayaan in ay jiraan sababo dhowr ah oo keenya in shirkaasi uu dib u dhaco, waxaana la sheegay in ay wali taagan yihiin khilaaf yadii u dhexeyay dowladda dhexe iyo maamulada Jubbland iyo Puntland.
Wali waxaa socda shirar gooni gooni ah oo la isugu soo dhweynayo dowladda dhexe labada maamul Goboleed.
Waxaa sidoo kale dib u dhacay kulan casho ahaa oo ay xalay ku ballansanaayeen mas’uuliyiintu, lamana shaacin sababta ka danbeysay in madaxdu ay ka baaqsadaan munaasabadda cashada ah ee lagu ballansanaa, waxaana wali socda shirar ay gooni gooni u leeyihiin mas’uuliyiinta dhinacyada isugu yimid muqdisho ee Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Waxaa horay dib u dhac uu hareeyay shir lagu waday in uu muqdisho uga furmo madaxweyne farmaajo iyo Axmed Maxmed islaam Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni, balse shirkaasi dhowr jeer ayuu baaqday, waxaana lagama maar maan noqotay in loo yeero maadxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle kuwaas oo shalay muqdisho kasoo degay.