Shirkii dhammeystirka maamulka SSC Khaatumo oo maanta furmaya
Magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir waynaha dhammeystirka Maamulka SSC Khaatumo.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona Madaxa sare oo ka kala tirsa Dowladda Federaalka, Maamulka SSC Khaatumo, Hoggaanka Dhaqanka iyo qeybaha Bulshada.
Sida guddiga qaban qaabada shirka ayaa diirada lagu saari doona bannaanka dhammeystirka sharciyada maamulka SSC Khaatumo iyo jiheynta siyaadda dowlad goboleedka cusub.