Shirka U Dhexeeya Farmaajo Iyo Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo Puntland Oo La Shaaciyay Xiliga Uu Billaabanayo

0
352

Shirka U Dhexeeya Farmaajo Iyo Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo Puntland Oo La Shaaciyay Xiliga Uu Billaabanayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacisay waqtiga uu si rasmi ah u billaaban doono shirka la filayo in muqdisho uu uga furmo Madxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirku uu billaaban doono Caawa, waxaana mas’uuliyiintu ay wadaan u diyaar garowga shirkaasi.

Afheyeenka Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in shirku uu si rasmi ah caawa u billaban doono, waxaa intaas uu ku daray in Xalay madaxdu kulan ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxaana kulanku uu ahaa casho sharaf iyo soo dhaweyn horudhac u ah kalanka caawa loo ballansan yahay.

“Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland, Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here