Shirka Dowladda, M/Goboleedyada Iyo G/Banaadir Oo Maanta Furmaya
Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa inuu si rasmi ah uga frumo Shirka Wadatashiga ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa waxaa lagu waday inuu furmo maalintii shalay aheyd, hayeeshee waxaa uu baaqay, kadib markii Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ay safari Deg-deg ah uga baxeen Magaalada Muqdisho.
Shirka u furmaya Madaxda ayaa waxaa uu yahay mid lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana waxaa uu shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada, iyagoona isla gartay in laga wada qeyb galo shirka wadatashiga ah, maadaama uu yahay mid la wada sugayo natiijada kasoo bixi doonta.
Gelinkii dambe ee shalay ayaa Caasimadda dib ugu soo laabtay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kadib markii ay safari ku tageen Magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed, iygaoo ka wada hadlay arrimo kala duwan, sidoo kalena xaliyay khilaaafyo ka dhex-jiray.