Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Faransiiska Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
344

Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Faransiiska Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa hawada sare ee dalka faransiiska shil ku galay labo diyaaradood, kadib markii ay isku dhaceen, isla markaana waxaa shiilkaas ka dhashay Khasaaro dhimasho ah.

Shilka ayaa ka dhacay Magaalada Chateauroux, waxaana goobta gaaray shaqaalaha dab demiska iyo gaadiidka gurmadka Deg-deg ah, kuwaasi oo gumad u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay.

Diyaaradaha ayaa ahaa labo diyaaradood oo kuwa dalxiiska ah, waxaana uu shilka sababay dhimashada shanta qof dalxiisayaal ah iyo in mid ka mid diyaaraha ay ku burburtay meel aan la daganeyn.

Sawirro laga soo qaaday burburka diyaaradaha ayaa muujinayay in labada diyaaradood ay ku dhaceen dul beeleed ku yaalla duleedka Magaalada Chateauroux ee dalka faransiiska, waxaana cirka isku shareeray uuro madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here