Shaqaalaha Dowladda Mareykanka oo 30 cisho loo qabtay in Telefoonnadooda ay ka tirtiraan TikTok.

0
129
FILE - The TikTok app logo appears in Tokyo on Sept. 28, 2020. The social media app shared its list of top 100 videos, creators and trends in America in 2020. (AP Photo/Kiichiro Sato, File)

Shaqaalaha Dowladda Mareykanka oo 30 cisho loo qabtay in Telefoonnadooda ay ka tirtiraan TikTok.

30 cisho ayaa loo qabtay Shaqaalaha Dowladda Mareykanka in Telefoonnadooda uga masaxaan App-ka TikTok sabab la xiriirta in Shirkadda leh ee lagu magacaabo ByteDance ay Shiinaha u ogolaaneyso in macluumaadka ogaato.

Mareykanka oo dagaal Ganacsi & mid Militari kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa billaabay in si tartiib-tartiib ah Dalkaas looga ciribtiro Apps-ka salkiisa ku dhammaanaya waddankaas si aanay loogu adeegsan howlo basaas.

Golaha Congress-ka, Aqalka Cad, Ciidamada & goobo kale oo Mareykanka ah ayaa laga mamnuucay Isticmaalka TikTok oo malaayiin ruux oo Caalamka ku kala nool ku xiran yihiin adeegsiga aaladdaan.

Mareykanka ayaa dambi ka dhigaya isticmaalka TikTok wixii ka dambeeya marka la gaaro 30ka maalmood ee loo qabtay in telefoonnada looga masaxo app-kaas sida uu sheegay sarkaal katirsan Dowladda oo warbaahinta si kooban ula hadlay.

Hay’adda Booliiska Mareykanka ee dambi baaris FBI & Guddiga Isgaarsiinta Mareykanka ayaa wadajir uga digay halista ka dhalan karta app-ka TikTok ee ay leedahay Shirkadda ByteDance mar haddii ay u dhow dhahay in Xukuumadda Beijing ay u ogolaaneyso xogta ay heyso.

Waxa ay soo daliilsadeen in sharci Shiinaha laga soosaaray Shirkadaha sanadkii 2017kii uu ku qasbayo in Dowladda ay la wadaagaan macluumaad kasta oo shakhsi ah haddii looga baahdo arrimo la xiriira dhinaca Amniga.

Maamulka Shirkadda ByteDance ee Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ka dhigay eedaha loo jeediyay, agaasime Shou Zi Chew ayaa lagu wadaa in uu dhowaan hortago Congress-ka Mareykanka Si su’aalo looga weydiiyo walaaca laga qabo App-ka TikTok.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here