Shacab careysan oo xoog ku galay dhismaha baarlamanaka Ciraaq.

0
352

Shacab careysan oo xoog ku galay dhismaha baarlamanaka Ciraaq.

Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa ku qamaamay aagga ammaankiisa aadka ilaaliyo ee Baqdaad, waxayna gudaha u galeen dhismaha baarlamaanka Ciraaq.

Taageerayaasha wadaadka Muqtada al-Sadr ayaa ka soo horjeestay go’aanka xilka raysal wasaarahaloogu magacaabay musharraxa ay sida weyn isaga soo horjeedaan.

Isbahaysiga siyaasadeed ee Mr. Sadr ayaa ku guuleystay kuraastii ugu badnayd doorashadii guud ee bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Booliska ayaa la sheegay sunta dadka ka ilmeysiisa ay ku kala eryeen dibadbaxayaasha. Xilliga dadku gudaha u galayeen xaruunta baarlamaanka waxaa la sheegay in aaney xildhibanno joogin.

Goobaha ay dibaxayaashu xoogga ku galeen ayaa ah aagga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Cagaaran – oo ay ku yaallaan tiro ka mid ah dhismayaasha ugu muhiimsan caasimadda oo ay ku jiraan safaarado.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada ammaanku ay markii hore u muuqdeen in ay joojiyeen kooxihii soo weeraray, balse ay “soo galeen baarlamaanka”.

Raysal wasaaraha Ciraaq, Mustafa al-Kadhimi, ayaa ugu baaqay dibad baxayaasha inay ka baxaan dhismaha, iyadoo dadku ay heeso qaadayeen isla markaana qoob-ka-ciyaar ku hor sameynayay dhismaha.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qalalaasahan ayaa daba socda muddo sagaal bilood ah oo is-mari-waa uu taagnaa, iyadoo khilaafaadkii u dhexeeyay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka uu sababay in la dhiso dowlad cusub.

Mr Sadr, oo ah wadaad Shiico ah oo ka soo horjeeday faragelinta Mareykanka ee Ciraaq, ayaa sheegay in ka guulaystay dhaq-dhaqaaqiisa wadaniyiinta ka dib doorashadii Oktoobar.

Laakin waxa ay noqotay wax aan suurta gal ahayn tan iyo markaas in la dhiso isbahaysi cusub oo dawladeed, maadaama uu Mr. Sadr diiday in uu la shaqeeyo kooxaha iska soo horjeeda.

Isaga iyo taageerayaashiisa sababta ay ugu soo horjeesteen Musharrax Maxamed Al-Sudani ee xilka raysal wasaaraha loo magacaabay ayaa ah in ay aaminsanyihiin inuu aad ugu dhowyahay madaxda Iran.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dibadbaxyada ka dhacaya Ciraaq ayaa dadka dib u xasuusiyay dhibaatooyin badan oo Ciraaq soo wajahday sanooyin badan oo la soo dhaafay, in kasta oo dalkaasi qani ku yahay saliidda.

Mudaaharaadyo waaweyn ayaa qarxay sanadkii 2019-ka iyadoo ay dadku ka caroodeen musuqmaasuqa, shaqo la’aanta iyo xaaladda adeegyada bulshada.

Boqolaal qof ayay ciidamada ammaanku dileen xilligaas, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

Taageerayaasha Mr Sadr ayaa sidoo kale xilligaas xoog ku galay dhismaha baarlamaanka, gaarahaanna sanadkii 2016-ka.

Arbacadii, hawlgalka Qaramada Midoobay ee Ciraaq wuxuu sheegay in mudaaharaadayaashu ay xaq u leeyihiin inay mudaaharaad sameeyaan – ilaa inta ay ficilladoodu yihiin kuwo nabad ah oo sharci ah.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here