Shabaab oo sheegtay saddex askari inay ku dileen duqeyn ay ku garaaceen Garoonka Ballidoogle
Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay saddex askari oo Mareykan ah inay ku dileen duqeyn madaafiic aheyd oo ay ku qaadeen Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose.
Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay saddexdaasi askari inay ku dhinteen duqeynta, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 5 askari sida ay sheegteen.
Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan in duqeyntaasi ay ku dileen saddex askari, sidoo kalena Shan kale ay ku dhaawaceen.
Xoogaga Shabaab ayaa shalay barqadii tiro madaafiic ah ku weeraray Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo fariisin Ciidan ay ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa dhawaan sheegay inay kordhiyeen weerarka duqeynta ah ee ay la eeganayaan Saldhigyada Shabaab.