SALSXLEY : Somaliland Oo Xirtay Rag Gubay Dhar La Siiyay Dad Shacab Ah

0
413

SALSXLEY : Somaliland Oo Xirtay Rag Gubay Dhar La Siiyay Dad Shacab Ah

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay 4 dhallinyaro ah kuwaas oo ku eedaysan in ay gubeen Dhar ay sheegeen in xukuumaddu ugu deeqday dadka waxyeeladu ka soo gaareen Roobabkii ka da’ay degmada Sallexlay.

Dad ka gadoodsan xariga Dhallinyaradan ayaa Maanta banaanbax ka dhigay Magaalada, iyagoona Sallexlay ku gubayay Taayaro waaweyn, waxaayna sheegeen inay ka xun yihiin xarigaas.

Afartan Dhallinyarada ah ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay Ciidamo ka tirsan Somaliland, iyagoo markiiba u soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa lagu xiray Saldhig ay leeyihiin Booliska.

Dhallinyaradan la xiray ayaa falka gubista inta aysan sameeyn waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Somaliland ay u keentay dadka reer Sallexlay dhar hore loo soo isticmaalay, iyagoona ku tilmaamay in dharkaas uu ahaa Huudhey.

Degmada Sallexlay ayaa waxaa dhawaan ka da’ay roobab mahiigaan ah oo dabeylo watay, kuwaasi oo burburiyay Guro ku yaalla halkaas, isla markaana waxaa roobabka ku dhintay xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here