Saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo la weeraray

0
58

Saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo la weeraray

Ugu yaraan 4 qarax ayaa ka dhacay saldhigga ciidanka Mareykanka Al-Asad ee galbeedka dalka Ciraaq.

Wararka ayaa sheegaya in saldhiga kagu weeraray gantaallada Iran ay soo saarto ee Arash, sida ay ku warrantay warbaahinta Ciraaq.

Waxay u badan tahay kooxaha ay Iran taageerto ee Ciraaq inay weerarkan geysteen, horey saldhigan waxaa ka dhacay weerarro loo adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxay noqonaysa markii koowaad oo saldhigan lagu weerarro gantaaladan oo gaari kara masaafo dhan 122 km.

Dhinaca kale, Dhawaqa qarax weyn ayaa laga maqlay Tel Aviv, gaar ahaan waddada Yehezkal, oo ay ku yaalaan hoteello iyo dhismayaal kale, sida ay ku warrantay Aljazeera oo xiganaysa warbaahinta Israa’iil